Cote D’Ivoire oo Xalay Goup D Kasoo Baxday iyo Algeria oo Tartanka laga Saaray

Kulamadii koobka qaarada Africa oo weli ka socda South Africa aya markii ugu horeysay waxaa  Group bada kasoo baxay Cote D’Ivoire oo xalay badisay kulankeedii labaad kaas oo ku dhamaaday guul aay ku raacday Cote D’Ivoire ama Ivory Coast.

 

Kulankii xiisaba badnaa ee Cote D’Ivoire iyo Tunisia ayaa xalay waxa uu ku dhamaaday jawi aad u xiiso badan kadib markii aay Cote D’Ivoire badisay kulankeedii labaad ee koobka Qaramada Qaaradda Africa.

Daqiiqadii 21 aad ayaa laacibka Arsenal u cayaara ee Gervinho hogaanka u dhiibay Cote D’Ivoire isaga oo u dhaliyey gool aad u qurux badan kaas ee uu ka caawiyey laacibka L. Traore.

Cote D’Ivoire oo aad u ugu muuqatay in aay iyadu ku gacan sareyso cayaarta ayaa daqiiqadii 87 aad waxaa Cote D’Ivoire u dhaliyey goolkii quusinta laacibka qadka dhexe uga cayaara Manchester City ee Yaya Toure. Halka Gervinho uu daqiiqadii 90 aad baas aad u qurux badan u dhigay Ya Konan taas oo cayaarta ka dhigtay in aay ku dhamaato 3-0 oo aay guushu ku raacday Cote D’Ivoire.

Cote D’Ivoire ayaa hadaba noqotay xulkii ugu horeeyey ee kasoo baxa group D iyaga oo leh 6 dhibcood.

Algeria ayaa iyana noqotay xulkii ugu horeeyey ee ka baxa koobka Qaramada Qaaradda Africa kadib markii xalay Togo uga badisay 2-0 taas oo rajo fiican siisay Togo oo iyadu hada leh 3 dhibcood halka Tunisia oo xalay laga badiyeyna aay leedahay 3 dhibcood.

Hadaba kulanka Arbacada soo socda ayaa waxaa wada cayaari doona Togo vs Tunisia oo labadooda cidii soo baxda aay kaalinta ladaad geli doonto maadaama Cote D’Ivoire aay hogaanka u hayso Group ka.

GOOS GOOS: COTE D’IVOIRE VS TUNISIA

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAAFIMAADKA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.