Waxaa Galabta Qorax Dhicii Ka furmay Koobka qaramada Afrika magaalada johanbsburg ee dalkani koofur afrika kaas oo ay isaga hor yimaadeen dalkani south afrika oo lagu naaneeso bafana bafaana iyo kooxda Cape Varde oo lagu naaneeso libaax-badeedyada buluugga ah .
Ciyaartan oo si dar dar ah ku bilaabatay ayaa waxay ku soo idlaatay bar bar dhac 0-0 ah iyadoo laba kooxba ay fursado soo mareen balse ay dayaceen.
Cape Verde ayaana waxaa soo martay sadax fursadood oo fiican oo goolal ay ku dhalin kareen halka xulka South Afrika oo liidatay ay heshay hal fursad fiican dhamaadkii ciyaarta, waxaana ay ku bilowdeen si niyad jab ah iyagoo ka maqnaa labadii koob ee ugu danbeysay ee qaramada Afrika halka iminka ay nasiib ku soo gashay kadib markii libiya oo loo qorsheeyay in lagu qabto koobkan ay dagaalo ka dhaceen sidaana ay uga faa’iideeysatay south afrika kuna soo gashay maadama ay horay u hartay bafana bafana.
ciyaartan ayaa ahayd ciyaartii koowaad ee lagu furay koobka qaramada afrika ayaa waxa ay ka dhacday garoonka soccer city ee magaalada johansburg waxaana ka soo qeyb galay taageerayaal kor u dhaafayay 80.000 sideetan kun oo qof .
kooxda bafana bafana ayaa ku fashilantay in ay ka badiso Cape Varde xili ay ku faraxsaneeyd in ay ku soo aado kooxdaasi laakiin aysan xisaabta ku darsan in ay taako ku noqon karto kooxdaasi oo sida la xasuusto horay u soo reebtay kooxda cameroon.
xiyaarta labaad oo aad u xiiso badan ayaa iyana lagu wadaa in ay dhacdo saacad kadib taas oo dhex mari doonta xulalka wadamada kala ah Marooko Vs Angola oo labaduba wata xili ciyaareedkaan Laacibiin intooda badan ka ciyaara Qaarada Yurub.
hadaba la arki doonee cidii soo badisa labadaan kooxood oo iyaguna ciyaartooda iminka ay soo gali doonto
waana idinla soo socod siin doonaa insha’allah wixii kus oo kordha ciyaartan iyo guud ahaan ciyaaraha insha’allah.
C/qani axmed abtidoon
Xafiiska wararka allsomalia.com
Johansburg South Afrika












