Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku shaandhayn ku sameyn doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya eek u kala Sugan Gobolada Dalka.
Wasiirka Difaaca C/xakiim Xaaji Fiqi oo kasoo laabtay Magaalada Baydhaba ayaa waxa uu sheegay in ay isku shaandheyn ku sameyn donaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Fiqi ayaa xusay in ciidamada Soomaalida ee ku kala Sugan Goboladda Soomaaliya la isku dar dari doono si ay isu bartaan iskuna Dhexgalaan sida uu yiri
Waxaana uu sheegay wasiirku in ay sharciyo kasoo saareen Ciidamada isticmaala Balwada si qaadka.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in ay yihiin Sharuucdan in ay ahaayeen kuwa soo jiren ah oo ay isticmaali jireen Xukuumadihii Soo maray Dalka haatan loo baahan yahay In ay qaataan Ciidamada dowladda.
Cabdixakiin Xaaji Fiqi Wasiirka difaaca dalka ayaa sidoo kale shaaciyay in ay kamid yihiin Ciidanka Garbahaareey ee Ahlu suna Kuwa Dowladda Soomaaliya ee Dagaalada Xoogan Kala soo horjeeda Ururka Al-Shabaab.





