Ciidamada Dowlada Somaliya iyo ku Amison oo xalay lagu weeraray Gobolka Sh/Hoose

Ciidamada Xarakada Al, shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday fariisimo ay Ciidamada Dowlada Somaliya iyo ku Amison  ku leeyihiin duleedka magaalada Marka ee xarunta Sh/Hoose.

Sida ay sheegayaan Dad goob jogayaal ah  dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Ceel Axmad ee dhanka Xeebta magaalada Marka, waxaana halkaasi fariisimo ku leh ciidamo Dowlada Somaliya iyo kuwa  Amison  gaar ahaan kuwa kasocda dowlada  Uganda.

 

Madaafiicda iyo hubka culus ayaa la isku adeegsaday dagaalkaas oo soconayay mudo kooban, waxaana la ogeyn ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee halkaas ka dhashtay

 

Saldhigga Ceel Axmad ayaa la kulmaya weerarkii ugu horeeyay markii dhawaantan ay halkaas soo dageen ciidamada Uganda oo garab siinaya kuwa Burundi.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in wararka maanta, Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.