Chelsea oo Guuldarro Culus Gaarsiiey Southampton iyo Ba oo 2Gool Hormarin u Siiyey Chelsea

mancity

Chelsea ayaa ka guul darro aad u culus gaarsiisay naadiga xagaagan kusoo biiray Premier League ga kaalinta 17aad na uga jira horyaalka ee Southampton.

Daqiiqadii 22aad ee cayaarta ayaa Jay Rodriguez kooxdiisa Southampton u dhiibay hogaanka isaga oo u dhaliyey goolkii koowaad. Balse 13 daqiiqo ka dib ayaa chelsea goolkii bareejada waxaa u dhaliyey weeraryahanka usbuucan kusoo biiray ee Demba Ba.

Isla qeybtii hore ee cayaarta ayaa xiddiga reer Nigeria V. Moses Chelsea u dhaliyey goolkeedii labaad.

7 daqiiqo markii aay kasoo wareegtay qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Ivanovic chelsea u dhaliyey goolkeedii sedexaad isaga oo cayaarta ka dhigay 1-3. Demba Ba ayaa goolkiisii labaad chelsea u dhaliyey daqiiqadii 61aad isaga oo cayaarta ka dhigay mid aan rajo laheyn 1-4. Balse intaas kuma aaysan ekaanine Frank Lampard oo badal ku yimid daqiiqadii 64aad ee cayaarta ayaa gool rigoore ah u dhaliyey Chelsea daqiiqadii 84aad isaga oo cayaarta ka dhigay 1-5

Demba Ba ayaa Chelsea u saftay kulankiisii koowaad isagoo u dhaliyey labo gool!

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in CAYAARAHA. Bookmark the permalink.

Comments are closed.