Goolhayaha naadiga Juventus ee Gianluigi Buffon oo ka mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsanaa ee caalamka kubbada cagta soo maray ayaa naadigiisa Javentus u kordhinaya qandaraaskiisii isaga oo naadiga sii joogi doona ilaa 2015ka isaga oo mushaar ahaan u qaadan doona 3.5 million Euros.
Goolhayeha oo 34 jir ayaa xagaagii hore la qaaday Juventus Cupka horyaalka Talyaaniga. Juventus ayaan laga badinin 49 kulan oo aay cayaareen horyaalka Talyaaniga.
Buffon ayaa naadigiisa Juventus iyo qaranka Talyaanigaba u ah goolhayaha koowaad.






