Brighton & Hove Albion ayaa tartanka FA Cup ka banaanka ka dhigtay Newcastle ka dib markii aay 2-0 uga bidiyeen kooxda ka socotay horyaalka Primier League ga.
Brighton ayaa goolkeedii ugu horeeyey waxaa u dhaliyey Andrea Orlandi daqiiqadii 33aad ee qaybtii hore ee cayaarta. Balse qeybtii labaad ee cayaarta daqiiqadii 63aad ayaa Kaptanka Newcastle Shola Ameobi uu qaatay jaalihiisii labaad isaga taas oo sababtay in uu cayaarta ka baxo. Brighton oo si fiican uga faa’iidaysatay ayaa daqiiqadii 87 gool labaad ka dhalisay Newcastle United. w. Hoskins ayaa goolkii labaad u dhaliyey Brighton.
Guul darraan soo gaartay Newcastle United ayaa noqoneysa midii afaraad 10 maalmood gudahood.
Newcastle United ayaa usbuucii hore uu ka tagay weeraryahankeedii Demba Ba isaga oo ku biiray naadiga ka dhisan London ee Chelsea.







