Waxaa Maanta Galinkii danbe lagu soo gabogabeeyey Magaalada Goldogob Shirkii Dhaqanka ee Gobolka Mudug oo loogu Magac daray Nabaadiino Isu Hoyasho iyo Horusocosho.
Ajandayaasha Shirka ee Maanta ayaa waxay ahayd Dadka Afduubka loo haysto ee u dhashay Waqooyiga Mudug, Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, Iskuxirnaansha Bulshada Gobolka Mudug ee Puntland.
Shirkaas ayaa ugu horayn waxaa hadalka furay Isimada Shirka kasoo qayb galay kaddibna waxaa hadalka loo furay nabadoonada iyo qaybaha bulshada iyagoo halkaas kasoo jeediyey hadalo u badnaa Midnimada iyo Horumarinta Bulshada Gobolka Mudug.
Qaybihii danbe ee Shirka ayaa waxaa hadlaka soo gunaanaday Isimadii Shirka kasoo qaybgalay waxaana hadalka qaatay Suldaan C/salaam Suldaan Maxamud oo ahaa Abaabulaha Shirka ahna Madaxa Xarunta Nabadda Geeska Afrika isagoo halkaas kasoo jeediyey Hadalo qiimo badan oo qeexayay qiimaha Nabadda iyo Midnimadu leedahay sidoo kale wuxuu ku dheeraaday Ujeeddooyinkii Shirka loo qabtay oo ahaa mid ka madaxbannaan Siyaadda kuna ekaa dhaqanka.
Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa Gabagabadii Shirka Kalmaddiisa ka jeediyey, Islaan ku wuxuu baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Galmudug isagoo ugu baaqay in Dadka Shacabka ah ee Afduubka loogu haysto deegaankooda dib loogu soo celiyo Xorriyaddooda wuxuuna sigaar ah baaqa ugu diray Maamulka, Odayaasha Dhaqanka, Culimada iyo aqoonyahanka in arrintaas ay qayb wayn ka qaataan.
Islaan Bashiir ayaa sidoo kale ka hadlay in Shirkaan uusan ahaan doonin kii ugu danbeeyey kaasoo noqon doona mid socon doona dadkuna ay ku wada tashadaan wuxuuna Isimadii Shirka fadhiyay ugu baaqay in la qabto Guddigii Shirka sii wadi lahaa.
Islaanka Wuxuu Mahadcelin ballaaran usoo jeediyey Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud iyo Xarunta uu Madaxda ka yahay ee Xarunta Nabadda iyo Cilmibaarista ee Geeska Afrika oo ahayd Xaruntii Maalgalinaysay Shirkan, wuxuuna sidoo kale U Mahadceliyey Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia oo iyana gacan wayn ka gaysatay qaybta warbaahinta ee Shirka.
Ugu banbayntii Waxaa shirka soo xiray Ugaas Cali Ugaas Maxamed oo ahaa Ugaaskii Martida loo ahaa Shirka soo xiray isagoo ugu horayn bogaadiyey Bulshadii Shirka kasoo qaybgashay Gaar ahaan qaybihii Safarka ku yimid Degmada Goldogob, Ugaaska wuxuu sheegay in Shirkaan uusan ahayn mid intaas ku eg ee uu noqon doono mid sii socda.
Ugaas Cali ayaa isna Mahadcelin iyo ammaan ballaaran u jeediyey Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud iyo Xarunta uu Madaxda ka yahay ee Xarunta Nabadda iyo Cilmibaarista ee Geeska Afrika iyo Shirkadda Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud ayaa halkaas ka akhriyey War Murtiyeedkii kasoo baxay Shirka Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland ee loogu magacdaray Shirka Nabaadiino Isu Hoyasho iyo Horusocosho.
SHIRKA NABAADIINO EE HOYASHO IYO HORU-SOCOD
UJEEDO:- BAYAABKII AMA BAAQII KASOO BAXAY GABOGABADA SHIRKA Waxaa Shirkaan isugu Yimid Dhamaan Isimada, Nabadoonada, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha Puntland ee Gobolka Mudug.
Shirkaan oo ka dhacay magaalo madaxda Galdogob ee Dagmadda Galdogob, kasoo looga hadlayey sida ciwaanka shirka ku cad, ahaana shirka dhaqanka nabad galyada, midnimo iyo hormarka beelaha wada daga gobolka Mudug, hadaba waxa shirkaasi dhamaadkiisii kasoo baxay, war murtiyeed ama baaq ay soo saareen, Issimada iyo waxgaradka isugu yimid shirkaas, waana sidaan hoos ku cad.
In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada gobolka iyo midda guud.
In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda midda guud iyo mida gobolkaba
In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah.
Wuxuu shirku ku baaqayaa is cafis guur iyo isa saamax, Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka.
Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha, sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad.
Wuxuu shirku ku baaqayaa in dadka shacabkaa ee reer Puntland gaar ahaan gobolka Mudug, ee qafaalasho ahaanta loohaysto muddo laba bilood ka badan xuriyadoodii loosoo celiyo sida ugu dhaqsiinyahay badan, ayna
fududeeyaan cidkasta oo ay khusayso soodayn doodu gaar ahaan dowladda Puntland ay xil iska saarto soodaynta Shacabkeeda.
Waxaa la isku dar-daarmay Alla kacabsi, walaaltinimo iyo Wadajir.
In lajoojiyo kala takoorka beelaha wada daga Puntland.
Wabilaahi Towfiiq.
Isiimada Shirkaan Qabtay soona saaray baaqaan
Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Islaan Bashiir Islaan Cabdille
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
Suldaan maxamed Jamac Shire
Islaan Xassan Cigaal
Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
Suldaan Cabdi Bile
Suldaan C/rishiid Muuse Shire






