Fadeexad kusoo baxday afhayeenkii xisbul islaam (Caruus)

Fadeexad socotay mudooyinkii lasoo dhaafay ayaa cirka isku shareertay taas oo saameeyn xoog leh ku yeelatay kooxaha diinta ama hogaamiyasha qabqablayaasha diinta sida Al-Shabaab &XisbulIslaam kadib markii Afhayeenkii Hawl galada Urukii Xisbul Islaam  Maxa,ed cismaan caruus lagu eedeeyay dhawr jeer inuu gogoldhaaf sameeyay.
Afhayeen Ilgub waxay Shabaab ku eedeeyeen inuu gogol dhaaf ku sameeyay Hotel ku yaal dhabarka dambe ee Xawaaladda Amal ,inta u dhaxeysa labada wado ee suuqa Bakaaro.

Afhayeen Ilgub (Caruuse) oo ka war helay inay maleeshiyaadka AMNIYAADKA AL-SHABAAB baadi goobayaan ayaa u baxsaday guri ku yiil Xaafadda Labadhagax hasse yeeshee waxay markii dambe ku qasabtay inuu Saraakiil ka tirsan Dowladda KMG la sameeyo xiriir.

Mohamed Ilgub oo lagu xasuusto inuu Shir Jaraakd ku dulqabtay askar ka tirsan DKMG oo meydkooda lagu jiid jiiday Baar Ubax ayaa ku guuldareeystay inay Saraakiisha Dowladda qaabilaan maxaa yeelay ma wadan Ciidan iyo hub toona. Mr Ilgub wuxuu u baxsaday degaanka Miliqo ee Gobolka Galgaduud halkaas oo hooyadii iyo Aabahii degan yihiin.

Bilooyin ka hor ayaa laga war helay in Mohamed Ilgub ku biiray burcad badeeda degaanka Xarardheere halkaas oo la xaqiijiyay inuu lacago badan ka helay Markab ay isaga iyo maleeshiyaad kale afduubteen.

Xaaska Mr Ilgub ayaa dacwad cusub u gudbisay Al-Shabaab iyadoo ku eedeysay inuu gogol dhaaf la sameeyay gabadh ka mida laba gabdhood oo gurigeeda ku noolaa.

Inkastoo Al-Shabaab awood ahaan liitaan hadana Maxkamadooda ayaa amartay in la toogto Mr Ilgub meeshii lagu arko.

Mohamed Osman Farah ayey saaxiibadiis sheegeen inuu lacag laaluusha siiyay qaar ka tirsan Saraakiisha Al-Shabaab.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in Warka Soomaali [news]. Bookmark the permalink.

Comments are closed.