Kulankii southamton iyo Arsenal oo ku dhamaaday 1-1 ayaa walaac badan geliyey tababaraha naadiga, Arsen Wenger, isaga oo sheegay in xagaagan aaney aheyn sidii laga rabay. qeybtii hore ee cayaarta daqiiqadeedii 35 aad ayaa G. Ramirez goolkii koowaad u dhaliyey Southamton halka isla qeybtii hore ee cayaarta Guilherme uu shabaqa kooxdiisa Southamton ku hubsaday gool isaga oo cayaarta ka dhigay 1-1.
Qeybtii labaad ee cayaarta ayaaney jirin wax goolal ah oo la kala dhaliyey.
Arsenal oo rajo weyn ka qabtay in aay kaalinta sedexaad ka galaan horyaalka Ingiriiska ayaa nayad jab ku noqoneysa baraaja aay la galeen kooxda southamton xalay. Arsenal ayaa hada ku jirta kaalinta shanaad ee horyaalka Ingiriiska iyada oo leh 35 dhibcood. Halka naadiyada aay isku gobolka ka dhisan yihiin ee Chelsea iyo Tottenham aay kala leh 38 iyo 39 sida aay isugu xigaan.
Arsenal ayaa aad loo filayaa in aay lasoo wareegi doonaan cayaartooy aad u badan bishaan Janaayo.
GOOS GOOS: SOUTHAMTON VS ARSENAL






