Laacibka qadka dhexe ee Kooxda Barcelona Alex Song, ayaa muujiyay sida uu ugu farxasan yahay inuu u ciyaaro kooxda Barca isagoo sheegay inuu jeclaan lahaa inuu sanando badan iska sii joogo kooxda.
Alex Song ayaa xagaagi tagay kusoo biiray kooxda Barcelona isagoo ka yimid kooxda Arsenal.
Song oo saxaafada la hadlay ayaa yiri ” Waan ogahay inaysan fududayn inaa noqoto Line-up, sidaa ay tahay waxaanu ciyaarnay kulamo badan, waxaa waajib igu ah inaa diyaar ahaado xili kasta oo uu tababaraha ii baahdo, shaqdaydu waa inaa ka qayb qaata tababarka kooxda.”
Sido kale Suxufiyiinta ayaa waydiiyay Ninka ay booska ku tartamaan ee Sergio Busquets .
Song ayaana ku jawaabay ” Sergio waa mid ka mid ah laacibiinta ugu fiican qadka dhexe, waana ku faraxsanahay inaa tababar la qaato”.
Song ayaa sii raaciyay ” Way adag tahay inaa boos joogta ah ka hesho koox noocaan oo kale ah, kooxda waxaa u ciyaara laacibiinta ugu fiican caalamka, Sidaa ay tahay waan ku farax sanahay joogitaan kayga Halkaan”.
Sido kale waxa la waydiiyay Sidee u aragtaa Ceca Fabregas, wuxuna ku jawabay ” Ceca waxan is naqaana sanado badan aad ayuuna ii saaciday, waa sida walaalkayga oo kale “.
Sido kale arinta Messi mar wax laga waydiiyay ayuu ku gaabsaday ” Messi waa laacibka Aduunka, waxan ku farxasanahay inaa isku koox nahay oo aan kasoo horjeedin” .
Ugu danbeen Laacibkii hore ee Arsenal ayaan boos joogta ka haysan kooxda Barcelona isagoo badanaa lagu keeno badal.





