Afhayeenka ciidamada Amisom Cali Aadan xumad ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.
Ugu horeyn Cali Aadan xumad waxaa uu ka hadlay qaraxyada soomaaliya gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee ka dhacay baar u dhow xeebta liido waxaana uu sheegay in Amison ay cambaareenayso qaraxaasi .
Waxuu sheegay in Amison iyo ciidamada dowlada aysan waxba u dhimeyn qaraxyada ay geystaan ururka Al- shabaab balse ay shacabka ku dhibaateynayaan.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu ka hadlay ciidamo ka tirsan Amison inay joogaan magaalada baydhabo isagoona sheegay in ciidamaas ay dhaq dhaqaaq ka bilaabi doonaan marka leysku xiro wadada xiriirisa baydhabo iyo afgooye oo ay ku sugan yihiin ururka Al shabaab.





