Dab Qasaaro dhaliyay oo Qabsaday Tuulo Hoos tagta Degmada Aadan Yabaal.

Wararka naga soo gaaraya degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabelaha Dhexe ayaa sheegaya in dab qasaaro xogan dhaliyay uu ka kacay tuulada Boos Hareeri oo ka tirsan deegaankaas.

Dabka ayaa  baabi’iyay dhamaan tuulada Boos Hareeri iyadoo uu qasaraha uu gaystay dabkaas u badan yahay mid hantiyadeed.

Xaaji Carabo Hiloowle oo kamid ah odayaasha degmada yaaqshiid ayaa sheegay in gabi ahaanba tuulada ay bas beeshay isla markaasna loo baahan yahay in la caawiyo dadkii qasaaraha kaso gaaray dabka.

“Hay’adaha gar gaarka waxaa ka codsanayaa inay gar gaar lasoo gaarana dadka Tuulada Boos Hareeri ee Dabka qasaarah kaso gaaray ayuu yiri Xaaji Carabow Hiloowle.

Wuxuu intaas ku daray Xaaji Caraboow Hiloowle in Dadka Tuulada aysan haysan weelal ay cuntada ku karsadaan oo dabka ka baabi’iyay.

Number of View :101
This entry was posted in wararka maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.