Dhamaan sofware radaan waa free waxaana loogu talo galay in aay kaa saacideyaan sidii aad computer kaaga xawaarihiisa u kordhin laheyd adiga oo aan tir tirin ama aadan u geyn farsamo yaqaan.
1. SECUNIA PSI
Waa software lacag la’aan ah kuuna sahlaya in uu kuu update gareeya dhamaan drivers ka computer kaaga. Taas oo kaa saacideyneysa in uu Computer gu noqdo mid xawaare badan.
DOWNLAOD
2. AUTORUNS
waxaa jira programs aad u badan oo sababa in computer kaagu xawaarihiisu yaraado kuwaas oo dhamaantood soo wada kaca markii aad computer soo shido ama daarto. Autoruns waa software kaa saacideynaya in aad adigu go’aansato programka aad rabto in uu soo kaco ama soo daarmo markii aad computer ka soo kiciso.
3. CCLEANER
Waxa uu ka mid yahay softwares ugu fiican ee lagu nadiifiyo computer rada. Waxyaabaha uu computer ka ka nadiifiyo waxaa ka mid temporary files ka, Registry ga, browser history ga ama falyashii hore ee computer kaaga ku hara markii aad internet ka gasho.
4. HACK CLEANER
Software kaa caawinaya in uu kaa computer kaaga ka tir tiro waxyaaba aadan u baahneyn oo aay ka mid yihiin cookies iyo faylasha ku meel gaar ka ah ee computer ku jira.





