3 ka Mid ah Ciidamada Qalabka sida oo Maanta Dil Toogasho ah Loogu Fuliyey Magalada Muqdisho

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsan ciidamada dowladda oo horay loogu xukumay dilal toogasho.

Dilka oo saaka ka dhacay iskool bulusiyo ayaa waxaa lagu fuliyay saddex askari ka tirsanaa ciidamada qalabka sida, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal, waxaana maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho, kaddib markii lagu helay dambiyo dil ah oo ay u geysteen shacab iyo askari ciidamada dowladda ka tirsan.

Halka uu ka dhacayay xukunka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), saraakiil ciidan iyo dadweyne u soo daawasho tagay sida uu xukunku u dhacayay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku fuliso xukun dil ah askar ka tirsan ciidamada dowladda, balse waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda lagu fuliyo xukun dil ah.

0saves



If you enjoyed this post, please consider leaving a comment or subscribing to the RSS feed to have future articles delivered to your feed reader.
This entry was posted in wararka maanta. Bookmark the permalink.

Comments are closed.